Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ee EPL, Serie A, La Liga, Bundesliga iyo Ligue 1

0
34

(Yurub) 01 Dis 2019. Kulammo dhowr ah oo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, iyadoo ay ku jiraan ciyaaro xiiso leh.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa kulammada laga ciyaari doono maanta iyo caawa Shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub ee kala ah; English Premier League, Italian Serie A, La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka iyo Ligue 1 Faransiiska.

Aan ku horreyno horyaalka Premier League Ingiriiska, waxaa jira kulamo dhowr ah oo laga ciyaarayo maanta iyo caawa, waxaana ciyaaraha ugu waa weyn ee la sugi doono ka mid ah kulanka ay Manchester United soo dhoweynayso Aston Villa & kan ay Arsenal booqanayso Norwich City.

Dhinaca kale horyaalka La Ligaha Spain haddii aynu eegno waxaa maanta iyo caawa laga ciyaarayaa kulamo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka weyn ee aadka loo sugayo daawashadiisa kaasoo caasimadda Spain ku dhexmari doona kooxda Atletico Madrid iyo Barcelona.

Horyaalka Serie A haddii aynu eegnana kulamo waa weyn oo la ciyaari doono ma jiraan, laakiin kulammada la dheeli doono horyaalka Talyaaniga waxaa laga xusi karaa kulanka ay Juventus soo dhoweynayso Sassuolo, midka ay Inter qaabilayso SPAL iyo kan ay kooxda AC Milan u safreyso Parma.

Dhinaca kale waxaa la dheeli doona kulamo ka tirsan horyaalka Bundesliga waxaa kulammadaas ka mid ah kulanka ay Borussia Mönchengladbach soo dhoweynayso Freiburg iyo kan ay Wolfsburg madaxa galinayso Werder Bremen.

Horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska haddii aynu eegnana kulamo dhowr ah ayaa la ciyaarayaa waxaana laga xusi karaa kulanka dhexmari doona kooxaha  Monaco iyo Paris Saint-Germain, iyadoo kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ay booqanayso Monaco.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada caawa iyo maanta laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub iyo saacadda ay ciyaarahaasi soo geli doonaan geeska Afrika:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

5:00 Galabnimo Norwich City vs Arsenal

5:00 Galabnimo Wolverhampton Wanderers vs Sheffield United

7:30 Habeennimo Leicester City vs Everton

7:30 Habeennimo Manchester United vs Aston Villa

SPAIN – LALIGA SANTANDER

2:00 Duhurnimo Sevilla vs Leganes

4:00 Galabnimo Athletic Bilbao vs Granada

6:00 Maqribnimo RCD Espanyol vs Osasuna

8:30 Habeennimo Getafe vs Levante

11:00 Habeennimo Atletico Madrid vs Barcelona

ITALY – SERIE A

2:30 Duhurnimo Juventus vs Sassuolo

5:00 Galabnimo Inter vs SPAL

5:00 Galabnimo Parma vs Milan

5:00 Galabnimo Lazio vs Udinese

8:00 Habeennimo Napoli vs Bologna

10:45 Habeennimo Verona vs Roma

GERMANY – BUNDESLIGA

5:30 Galabnimo Borussia Mönchengladbach vs Freiburg

8:00 Habeennimo Wolfsburg vs Werder Bremen

FRANCE – LIGUE 1

5:00 Galabnimo Nantes vs Toulouse

7:00 Fiidnimo Rennes vs Saint-Etienne

11:00 Habeennimo Monaco vs Paris Saint-Germain

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here