Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ee EPL, Serie A, La Liga, Bundesliga iyo Ligue 1

0
16

(Yurub) 09 Nof 2019. Kulammo dhowr ah oo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, iyadoo ay ku jiraan ciyaaro xiiso leh.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa kulammada laga ciyaari doono maanta iyo caawa Shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub ee kala ah; English Premier League, Italian Serie A, La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka iyo Ligue 1 Faransiiska.

Aan ku horreyno horyaalka Premier League Ingiriiska, waxaa kulammada ugu waa weyn ka mid ah kuwa ciyaari doonaan kooxaha Chelsea vs Crystal Palace iyo Leicester City vs Arsenal.

Chelsea ayaa kula ugu adag horyaalka Premier League galabta 3:30 Galabnimo soo dhoweynaysa Crystal Palace, si la mid ah, Kooxda Arsenal oo u safreysa Leicester City.

Dhinaca kale horyaalka La Ligaha Spain haddii aynu eegno waxaa maanta iyo caawa laga ciyaarayaa kulamo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka ay Real Madrid ay booqanayso Eibar 8:30 Habeennimo iyo kulanka ay Barcelona soo dhoweynayso naadiga Celta Vigo 11:00 Habeennimo.

Horyaalka Serie A haddii aynu eegnana kulanka ugu  weyn waxa uu caawa dhexmaray doonaa 8:00 habeennimo kooxaha Inter Milan iyo Verona.

Dhinaca kale waxaa la dheeli doona kulamo ka tirsan horyaalka Bundesliga waxaa kulanka ugu adag uu yahay kan dhexmari doona kooxaha waa weyn ee FC Bayern München iyo Borussia Dortmund 8:30 Habeennimo.

Horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska haddii aynu eegnana kulamo dhowr ah ayaa la ciyaarayaa waxaana laga xusi karaa kulanka Paris Saint-Germain ay booqanayso Naadiga Brest caawa 7:30 Habeennimo.

ENGLISH – PREMIER LEAGUE

3:30 Galabnimo Chelsea vs Crystal Palace

6:00 Maqribnimo Burnley vs West Ham United

6:00 Maqribnimo Newcastle United vs AFC Bournemouth

6:00 Maqribnimo Southampton vs Everton

6:00 Maqribnimo Tottenham Hotspur vs Sheffield United

8:30 Habeennimo Leicester City vs Arsenal

SPAIN – LALIGA SANTANDER

3:00 Galabnimo Deportivo Alaves vs Real Valladolid

6:00 Maqribnimo Valencia vs Granada

8:30 Habeennimo Eibar vs Real Madrid

11:00 Habeennimo Barcelona vs Celta Vigo

ITALY – SERIE A

5:00 Galabnnimo Brescia vs Torino

8:00 Habeennimo Inter vs Verona

10:45 Habeennimo Napoli vs Genoa

GERMANY – BUNDESLIGA

5:30 Galabnimo Mainz 05 vs FC Union Berlin

5:30 Galabnimo Schalke 04 vs Fortuna Düsseldorf

5:30 Galabnimo Hertha BSC vs RasenBallsport Leipzig

5:30 Galabnimo SC Paderborn 07 vs Augsburg

8:30 Habeennimo FC Bayern München vs Borussia Dortmund

FRANCE – LIGUE 1

7:30 Fiidnimo Brest vs Paris Saint-Germain

10:00 Habeennimo Monaco vs Dijon

10:00 Habeennimo Lille vs Metz

10:00 Habeennimo Strasbourg vs Nimes

10:00 Habeennimo Reims vs Angers

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here