Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka oo ka hor yimid Magacaabis uu sameeyay wasiir Maareeye

0
56

Muqdisho (hilaac news) – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa dib ugu celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Agaasimayaal uu Magacaabey.

Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday lix agaasime, waxaana warqad kasoo baxday Guddiga ay ku sheegeen in Guddiga dallaacada ee Wasaaradda aanay u dhameyn tirada (kooramka), go’aan ka qaadan kartay sida uu qabo sharciga Shaqaalaha.

Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego nidaamka xilka qaadista iyo Magacaabista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here