Guardiola oo qeexay go’aanka Man City ee ku aadan inay la soo saxiixato ciyaartoy bisha Janaayo

0
60

(Manchester) 26 Okt 2019. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay go’aanka kooxdooda kaga aadan sameynta heshiisyo cusub suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Pep Guardiola ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay in Oleksandr Zinchenko uu garoomada ka maqnaan doono 4 ilaa iyo 5 Isbuuc, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray iyadoo sidoo kale ay jiraan  xiddigo kale ee kooxda dhaawacyo kala duwan kaga maqan.

Dhinaca kale macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa wuxuu qirtay inuu ka walwalsan yahay jiritaanka inaysan ku filneen Ciyaartoyda xarumaha qaar.

Guardiola oo ka hadlayay qorshahooda kaga aadan suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo soo aadan ayaa wuxuu yiri:

“Uma maleynayo inaan saxiixyo sameyn doono, kooxda ma aysan ii soo bandhigin ciyaartoy ina caawin karta, sidaas darteed heshiisyo ma dhici doonaan, waxaan qabaa inaan ku ekaan doono ciyaartoyda aan haatan heysano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here