Goormaa la go’aamin doonaa heshiiska uu Paulo Dybala ugu biirayo kooxda Manchester United?

0
71

(England) 02 Agoosto 2019. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka England waxaa maanta oo Jimco ah la go’aamin doonaa heshiiska la filayo inuu Paulo Dybala ugu biirayo kooxda Manchester United.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wakiilada Paulo Dybala ay ku guuldarreysteen inay inay kala heshiiyaan maamulka Red Devils maalmihii la soo dhaafay arrinta ku saabsan mushaarkiisa Todobaadlaha ah.

Wargayska ayaa tilmaamay in maanta oo Jimco ah ay isku soo laaban doonaan oo ay miis wada fadhiisan doonaan, iyadoo madaxa fulinta ee kooxda Manchester United Ed Woodward uu xallinayo wadahadalada ku saabsan codsigii uu xiddiga reer Argantina ku doonayay inuu todobaadkii mushaar ahaan ku helo qiimo dhan 350 kun oo ginni.

Paulo Dybala ayaa hada udub dhexaad u ah suuqa kala iibsiga ee xagaaga, iyadoo ay Juventus dooneyso inuu u dhaqaaqo laacibkeedan kooxda Manchester United, si ay kaga hesho weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku.

Dybala ayaa sidoo kale la qorsheenayaa inuu kulan la qaato Tababaraha kooxda Juventus ee Maurizio Sarri, maalinta Isniinta ah ee soo aadan, si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here