Golaha wakiilada Puntland oo diiday matalaadda gobolka Banaadir, soona saaray 13 qodob

0
20

Garoowe (Hilaac News) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka kooban illaa 13 qodob oo lagu shaaciyey go’aanka Puntland ee doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu diiday matalaada la siiyey gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyada oo ay Puntland sheegtay in lagu deg-degay go’aankaasi.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday warbixintii guddiga doorashooyinka, waxaana lagu sheegay inuu guddiga ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Ugu dambeyn waxaa war-murtiyeedka lagu sheegay in Puntland aysan ka qeyb-gelin doonin shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana lagu sheegay in ka mamul ahaan qaadi doonaan tallaabo kale oo bad-baadin ah.

Halkaan hoose ka aqriso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here