Galmudug oo lagu wareejiyey 7 qof oo loo karantiilay COVID19

0
81

Dhuusamareeb (hilaac news) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wareejiyay todoba qof oo lagu karantiilay magaalada Garowe sida ay ku dhawaaqeen guddiga ka hortagga faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Sida ay guddiga sheegeen, shaqsiyaadkaan ayaa kasoo gudbay xadka maamulka Somaliland, sidoo kale saddex qofood ayaa la sheegay in lagu sii heyn doono magaalada Garowe si ay u dhameystaan mudada xilli huuriska.

Guddiga waxey sheegeen in maamulka uu hogaamiyo Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor) ay ku wareejiyeen maalintii ugu horreysay bishaan toddoba qofood.

Wararka laga helayo Garowe waxey sidoo kale cadeynayaan in deegaanada Puntland uusan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira Coronavirus, si la mid ah wali ma jirto wax kiis cusub ah oo la diiwaangaliyay.

Shacabka Puntland waxaa lagu dhiirigaliyay iney u hogaan-samaan awaamiirta xukuumadda ee lagu doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka xanuunkaan adduunyada dhibaatada ku haya.

Halkaan ka Akhriso Bayaanka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here