Gacalisada Cristiano Ronaldo oo fariin u dirtay Messi kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or 2019

0
28

(Turin) 04 Dis 2019. Qoyska Cristiano Ronaldo ma aysan jecleysan in Lionel Messi loo caleemo saaro abaal-marinta Ballon d’Or 2019, taasoo ku kalliftay in walaashiis, hooyadiis iyo gacalisadiisa ay difaacaan isaga, waxayna marar badan xaqiijiyeen kuna celceliyeen in Cristiano uu u qalmay ku guuleysiga abaal-marintan in ka badan Messi, taas oo ay qaarkood ku sifeeyeen sida aragti shirqool ah.

Lionel Messi ayaa dhaafay rikoorkii ay ka wadaageen isaga iyo Cristiano Ronaldo tirada inta jeer ay ku guuleysteen abaal-marintan, kaddib markii uu Isniintii ku guuleystay markiisii lixaad ee xirfadiisa kubadda cagta.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markiisii lixaad ee xirfadiisa kubadda cagta ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Haddaba gabadha saaxiibta la ah Cristiano Ronaldo ee Georgina Rodríguez ayaa fariin ay ku soo qortay boggeeda rasmiga ah ee Instagram-ka waxay ku sheegtay:

Image result for Georgina Rodriguez, Ronaldo and Messi Ballon d’Or 2019

“Ha ka dhigin in cidna ay ku joojiso, waxaad tahay geesi la jecelyahay, adigu waxaad tahay horyaal, waxaad ku guuleysatay natiijooyinkii ugu fiicnaa ee 2019, kaddib markii aad kula guuleysatay koobka UEFA Nations League xulka qaranka Portugal, markii ugu horreeyay ee la sameeyay, sidoo kale waxaad kula guuleysatay laba koob maxali ah kooxda Juventus, sidoo kale waxaad ku guuleysatay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Talyaaniga”.

“Laakiin abaalmarino qaali ah ama cinwaanno kagama hadlayaan shaqsi adiga oo keli ah, xiitaa haddii aad heysato wax badan oo ka mid ah, nasiib wanaag, waxa aad ka hadlaysaa waa nafsaddaada, awoodahaaga, rabitaankaaga joogtada ah ee naftaada, iyo inaad sii fiicnaato, maxaa yeelay waxaad u tahay dhiirigelin weyn malaayiin dad ah”.

Yeelkeede, Georgina Rodríguez ayaa waxay fariin dadban oo aan toos aheyn u dirtay Lionel Messi, waxayna tiri:

“Ugu yaraan kama baqaysid inaad ka baxdo aaga raaxadaada oo aad la kulanto tartan cusub”, taasoo ay kula jeedo in Lionel Messi iyo raaxadiisa ay tahay mid ku xiran kaliya Barcelona, sida lagu sheegay xafladdii dhaweyd ee abaal-marinta Ballon d ‘Or.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here