Faah faahin ku saabsan qaraxii ka dhacay isgoyska SAYID + Sawirro

0
77

Muqdisho (Hilaac News) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxaaoo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraka uu geystay.

Gaariga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baarayey gaadiidka sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaaraan shan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa ku burburay qaraxaan gaadiid u badan nooca raaxada oo xilligaas sugayey in la baaro.

Illaa iyo hadda ma jirto cid faah faahin ka bixisay qaraxa, waxaana loo diiday Wariyeyaasha inay gudaha u galaan meesha uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaasi, kuwaas oo xiray gabi ahaan isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya maalmo kadib midkii xooganaa ee 28-kii bishii hore ka dhacay isogoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here