Dowladda Falastiin Oo Farriin Hanjabaad Ah U Dirtay Maamulka Madaxweyne Trump

0
49

(HilaacNews-Qaza)-Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay in si rasmi ah dalkiisa uu u goyn doono xidhiidhka kala dhaxeeya Mareykanka.

Mr Cabaas ayaa sheegay in aqalka cad uu Jabiyay sharciga caalamiga ah ee Israa’iil ka xanibay deegaameynta ay ka wado dhulka Falastiin oo Washington ay taageertay.

Waxaan diyaar u nahay in xidhiidhka aan u jarno Mareykanka ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka.

Dhanka kale dibadbaxyo waaweyn oo lagu gubay calanka Mareykanka ayaa ka dhacay daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Shacabka Falastiin ayaa sheegay in dhimasho ay diyaar u yihiin ayna aqbali doonin go’aanka Mareykanka ku taageeray dhul boobka Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here