DF oo kala dirtay rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir

0
103

Muqdisho (hilaac news) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa maanta  amar lagu kala dirayo maamulka  Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray hilaac news isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here