DF oo isbedal ku sameysay dhammaan taliyeyaasha Booliska Galmudug

0
87

Muqdisho (Hilaac News) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta isbedal ballaaran ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Booliska Galmudug.

Warqad ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa waxaa Dhamaan isbadal loogu sameeyey taliyeyaasha Booliska gobollada Galgaduud, Mudug iyo xittaa kuwa degmooyinka ee ay dowladdu maamusho.

Gaashaanle sare Cabdikariin Xusen Macalin ayaa loo magacaabay taliyaha Booliska Galmudug, halka taliye ku xigeen isna loo magacaabey G/sare Maxamed Nuur Cali .

Sidoo kale waxaa taliyeyaal cusub loo magacaabay degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Hobyo, Matabaan, deegaanka Xeraale iyo deegaanka Balambale.

Halkaan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here