DEG DEG: Sheekh Shaakir oo shaki geliyey heshiiskii uu la galay DF, soona saaray warqad xasaasi ah

0
76

Kismaayo (Hilaac News) –Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa durbo su’aal  ka keenay heshiiskii uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ahlu-Sunna kula galay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ahlu-Suna ay shaki weyn ka qabto dhaq dhaqaaqa dowladda federaalka ka wado Dhuusamareeb.

Sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug ayaa ka dalbaday dowladda dhexe inay jawaab deg deg ah ka bixiso dhaq dhaqaaqyada haatan ka socda Dhuusamareeb oo uu sheegay in ay ka baxsan yihiin heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay ku xadgudubtay heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan heshiiskii, hadal heyn ah in ciidamo ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda federaalka, howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa.

Ahlu-Suna ayaa warkan waxaa kale oo ay ku sheegtay in aan weli la dalacsiin, islamarkaaana aan la sharciyeyn saraakiisheedii lagu daray kuwa dowladda.

Ugu dambeyn waxa uu dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul wasaare Khayre ka dalbatay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan in uu ka dhabeeyo heshiiska ay la galeen iyo ballan qaadyadii uu u sameeyey shacabka deegaanada maamulka Galmudug.

Hilaac News
Xafiiska Dhuusamareeb
Admin@hilaacnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here