DEG DEG: Isku aadka siddeed dhammaadka Carabao Cup oo la sameeyey… (Miyey isku aadeen kooxaha waa weyn sida Man United, Man City iyo Liverpool?)

0
62

(Yurub) 31 Okt 2019. Waxaa la sameeyey goordhow isku aadka wareegga siddeed dhammaadka Carabao Cup, iyadoo ay kala badbaadeen kooxaha waa weyn ee Manchester United, Manchester City iyo Liverpool.

Manchester United ayaa soo dhoweynaysa Colchester United, halka Manchester City ay u safri doonto kooxda Oxford United.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Klopp ee Liverpool ayaa iyaduna wareegga siddeed dhammaadka tartankan Carabao Cup la dheeli doonta oo ay booqan doonta Naadiga Aston Villa.

Isku aadka wareegga siddeed dhammaadka Carabao Cup oo dhammaystiran:-

Oxford Utd vs Man City

Man Utd vs Colchester Utd

Aston Villa vs Liverpool

Everton vs Leicester

Kulammada siddeed dhammaadka Carabao Cup ayaa la ciyaari doonaa isbuuca ka bilaabanaya 16-ka bisha December.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here