Dani Ceballos oo shaaca ka qaaday sababihii ku kalifay inuu doorto u dhaqaaqista kooxda Arsenal

0
162

(London) 26 Luulyo 2019. Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain Dani Ceballos ayaa shaaca ka qaaday sababihii keenay inuu doorto inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal.

Laacibka khadka dhexe ayay kooxda reer England ee Arsenal ay kula soo wareegtay heshiis hal xilli ciyaareed ah oo uu kaga soo dhaqaaqay Real Madrid.

Dani Ceballos ayaa lala xiriirinayay Tottenham iyo sidoo kale Horyaalka Talyaaniga, laakiin ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuu la shaqeeyo ninka ay isku wadanka yihiin ee maamula kooxda Arsenal Unai Emery.

Ceballos ayaa wareysi uu ku bixiyay Website-ka rasmiga ah ee kooxda Arsenal wuxuu kaga warbixiyay sababihii keenay inuu doorto u dhaqaaqista kooxda Arsenal:

Ceballos rejected a late offer from Tottenham (Picture: Getty)

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan awoodo inaan xirto maaliyadan, Waxaan u imid koox taariikh weyn ku leh horyaalka Premier League waana tallaabo aan horay ugu qaaday mustaqbalkeyga ciyaareed”.

“Waan ogaa inaan haysto kalsoonida tababaraha, tani waa mid aad muhiim iigu ah tan iyo bilowga, waan ka warqabay mas’uuliyadda ay xambaarsan tahay xirishada maaliyaddan, waxaana ku faanayaa inaan go’aansaday inaan aado Arsenal”.

“Meesha ay ka bilaabatay inaan go’aansado inaan halkan imaado waxaa furo ah Unai Emery, waa nin reer Spain, wuuna i yaqaanaa tan iyo bilaawga kooxihii hore, la shaqeyntiisa waxaa suuragal ah inaan horumar badan sameyn karo, isla markaana aan noqdo ciyaaryahan fiican”.

Yeelkadeeda, Dani Ceballos ayaa 56 kulan u saftay kooxda reer Spain ee Los Blancos tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Real Betis sanadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here