Dablay Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaalla Magaalada Boorama

0
72

(HilaacNews-Boorama)-Dabley hubeysan oo aan ilaa hadda la garan heybtooda ayaa waxaa ay saaka abaaro 5 subaxnimo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama.

Dableyada ayaa waxaa ay iska caabin xoogan kala kulantay ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ee saldhigaasi ku sugnaa taas oo sababtey inay meesha ka cararaan dableyadu.

Wax khasaare ahi oo goobta ka dhacay ilaa hada lama sheegin balse shacabka magaalada Borama oo la yaaban raraastii meesha ka dhacday ayaa saaka isku soo xoontey afaafka saldhiga dhexe ee magaalada Borama

Ciidamada amaanka ayaa ku dabo jira dableyadii weeraran soo qaadey saaka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here