Cristiano Ronaldo oo khasaaro dhexda kaga galay sababo la xiriira mid ka mid ah saaxiibadiisa sida aadka ah ugu dhow

0
100

(Yurub) 02 Agoosto 2019. Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah ciyaartoyda si wanaagsan u qorsheeya mustaqbalkooda kaddib dhamaadka xirfadooda kubadda cagta.

Cristiano Ronaldo wuxuu si xoogan u maal gashaday dhanka guryaha, isagoona ka furay in ka badan hal HOTEL meelo kala duwan oo dunida ah, iyo sidoo kale wuxuu leeyahay guryo dhowr oo qiimo qaali ah ugu fadhiya.

Laakiin dareenka Cristiano Ronaldo ee dhanka ganacsiga ayaa u muuqda inuu yahay mid ka baxsan dadka isaga u dhow.

Image result for Cristiano Ronaldo and Pepe

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa daabacay maanta in Cristiano uu ka iibiyay mid ka mid ah aqalada ugu raaxada badan, saaxiibkiis reer Portugal ee Pepe adduun £ 2.3 milyan.

Cristiano ayaa wuxuu ku iibsaday gurigan 7 sano ka hor, qiyaastii £ 3.5 milyan, laakiin hadda wuxuu qasaaray qiyaastii £ 1.2 milyan, kaddib markii uu ka iibiyey Pepe, kaasoo saaxiibtinimo xoogan ay kala dhexeyso.

Gurigan qurxoon isla markaana aad u balaaran ayaa wuxuu ku yaalaa dalka Portugal, wuxuuna leeyahay sidoo kale meel ay ku soo degto diyaarada nooca helicopterka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here