CR7 oo maqan, xilli Higuain & Dybala ay hoggaaminayaan liiska xiddigaha kooxda Juventus kaga qeyb-galaya kulanka maanta ee Lecce

0
40

(Turin) 26 Okt 2019. Cristiano Ronaldo ayaa ka maqan liiska xiddigaha kooxda Juventus kaga qeyb-galaya kulanka maanta ee Lecce, iyadoo Higuain & Dybala ay hoggaaminayaan shaxda Juve isla markaana uu dib ugu soo laabtay De Sciglio.

Cristiano Ronaldo ayaa laga nasiyey kulanka maanta kooxdiisa Juventus ay booqanayso Lecce ee horyaalka Serie A, iyadoo Merih Demiral iyo Emre Can ay la ciyaari doonaan Daniele Rugani.

Tababare Sarri ayaa nasiino siiyey kulankan kabtanka xulka qaranka Portugal, maxaa yeelay CR7 ayaa ciyaaray 7 kulan mudadii u dhaxaysay 24-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u dheelay xulkiisa qaranka iyo Kooxdiisa Juventus.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Juventus ee macallin Sarri uu kala hortagi doono maanta naadiga Lecce:-

Goolhayeyaasha: Szczesny, Buffon, Pinsoglio.

Daafacyada: De Sciglio, De Ligt, Sandro, Bonucci, Rugani, Danilo, Demiral.

Khadka dhexe: Pjanic, Khedira, Matuidi, Rabiot, Bentancur, Emre Can.

Weerarka: Dybala, Cuadrado, Higuain, Bernardeschi, Olivieri, Han

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here