Benzema oo bar-tilmaameedsanaya rikoodh gaar u ah kulanka caawa ee Galatasaray

0
20

(Madrid) 06 Nof 2019. Real Madrid ayaa caawa ku soo dhoweynaysa kooxda Galatasaray garoonkeeda Santiago Bernabeu, si ay u wada ciyaaraan ciyaar ka tirsan kulamada afaraad heerka guruubyada Champions League, iyadoo kulankan ay Los Blancos ay raadineyso guusheedii labaad ee tartankan.

Haddaba weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa hal gool u jira si uu u soo barbareeyo halyeeyga Los Blancos ee Alfredo Di Stéfano.

Karim Benzema ayaa wuxuu haatan ka dhaliyay tartamada Yurub 48 gool, wuxuuna u baahan yahay kaliya inuu hal gool dhaliyo, si uu kaalinta saddexaad kaga galo liiska xiddigaha ugu gooldhalinta badan tartamada yurub ee kooxda Real Madrid.

Si kastaba ha noqotee, haddii uu caawa weeraryahanka reer France ee Karim Benzema hal gool dhaliyo wuxuu soo barbareyn doonaa halyeeyga kooxda Real Madrid ee Alfredo Di Stéfano oo tartmada Yurub ka soo dhaliyay 49 gool.

Liiska xiddigaha ugu goolasha badan kooxda Real Madrid tartamada Yurub waxaa hogaaminaya weeraryahanka reer Porugal ee Cristiano Ronaldo, kaasoo ku biiray naadiga Juventus xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna dhaliyay 105 gool, kaddib waxaa ku soo xiga Raúl González oo isna dhaliyay 71 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here