Barcelona oo ku qasbanaan doonta inay fasaxdo mid ka mid ah xiddigaheeda khadka dhexe… (Maxay Tahay sababta?)

0
47

(Spain) 31 Luulyo 2019. Maamulka kooxda Barcelona ayaa ku qasbanaan doona inay fasaxaan mid ka mid ah xiddigahooda khadka dhexe inta lagu gudajiro suuqan xagaagan maadaama ay heysato ciyaartoy badan ee khadka dhexe ah.

Tababare Ernesto Valverde ayaa la hubaa inuu ku ciyaari doono qorshe ciyaareedka ah 4-3-3, maadaama uu kooxda ku heysto dhowr weeraryahano uu ka mid yahay xiddiga dhawaangalka ah ee Antoine Griezmann, waxaana ka garab ciyaari doono Lionel Messi, Luis Suarez, Ousmane Dembélé iyo kuwa kale.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa aaminsan inay jirto ciriiri weyn ee ka dhex jira khadka dhexe Barcelona, ​​kaasoo ku riixaya maamulka kooxda reer Catalonia inay iska fasaxaan mid ka mid ah ciyaartoyda ay ku heystaan khadkooda dhexe, waxaana la hubaa inuu ka tagi doono midkood xiddiga reer Chile ee Arturo Vidal ama kan reer Croatian ee Ivan Rakitic.

Dhinaca kale “Mundo Deportivo” ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Holand ee Frenkie de Jong uu ugu biiray Barcelona sida uu kaga mid noqon lahaa xiddigaha joogtada ah ee kooxda, sidaas darteed waxaa jira labo xarumood iyo sideed ciyaaryahan.

Waxaa ka mid ah xiddigaha ay khadka dhexe u heysato kooxda Barça Sergio Busquets, Arthur Melo, Arturo Vidal, Ivan Rakitic, Carles Aleñá, Alcántara, Coutinho iyo Sergi Roberto.

Waxaa la aaminsan yahay in sidoo kale uu ka tagi doono kooxda xiddiga reer Brazil ee Rafael Alcántara, mana jirto cid wax kala socota mustaqbalka Philippe Coutinho, iyadoo aan meesha laga saari doonin jiritaanka xiddiga da’ada yar ee Riqui Puig

Yeelkadeeda, kooxda reer Catalonia ee Barcelona ayaa waxay qorsheeneysaa inay iska fasaxdo hal ciyaaryahan ee khadka dhexe ah inta lagu gudi jiro suuqan xagaagan si ay nafis u dareento.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here