Arsene Wenger oo shaaca ka qaaday halka dhibaato ee Eden Hazard ku heysata kooxda Real Madrid

0
39

(Madrid) 07 Nof 2019. Tababarihii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa rumeysan in halka dhibaato ee Eden Hazard ku heysato Real Madrid ay tahay misaankiisa oo kordhay, taasoo hoos u dhigtay fursadii uu ku sameyn lahaa bandhig fiican kulamadii lasoo dhaafay uu xilli ciyaareedkan kaga soo muuqday Los Blancos.

Eden Hazard ayaa kaga soo biiray Real Madrid kooxda reer London ee Chelsea, kaddib wadahadalo leysku daalay ee dhex maray labada dhinac, laakiin ugu dambeyntii Los Blancos ayaa awooday inay la saxiixato xiddiga reer Belgian.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah saxaafadda gudaha dalka Spain, Eden Hazard ayaa miisaankiisa caadiga ahaa uu ku kordhay  7 KG, inta lagu gudi jiray kulamada diyaar garoowga kahor xilli ciyaareedka kooxdiisa cusub ee Real Madrid.

Haddaba macalinkii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa kaddib ciyaartii xalay ee Real Madrid wuxuu sheegay:

“Waxaan u maleynayaa in ilaa iyo haatan aanan arkin Hazard-kii aan ku naqiinay England, wali uma diyaarsana marka loo fiiro dhanka awooda jirka kaddib dhaawacii soo gaaray”.

“Ma uusan soo bandhigin wax qabadkii ay ku jeclaayeen dadka oo dhan, laakiin waxaan sidoo kale qabaa inuusan qabin kalsoonidii uu ku heysatay kooxda Chelsea”.

“Ma garanayo shaqsi ahaan Eden Hazard, laakiin waxaan u maleynayaa inuu la dhibtoonayo jir ahaan, sababtoo ah wuxuu Real Madrid yimid isagoo miisaankiisa kordhay sida ay wargeysyadu tilmaameen”.

Si kastaba ha noqotee, 28 jirkan reer Belgian ayaa ilaa haatan u dhaliyay hal gool kooxda Real Madrid, kaddib 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here