Arsenal oo ka hadashay wararka ku aadan inay xiiseeneyso saxiixa Jose Mourinho

0
43

(London) 04 Nof 2019. Kooxda reer London ee Arsenal ayaa waxay shaaca ka qaaday xaqiiqada wararka ku aadan inay dooneyso saxiixa macalinkii hore Manchester United ee Jose Mourinho, si uu ugu noqdo bedelka tababaraha haatan leyliya kooxda ee Unai Emery.

Warar saacadihii ugu dambeeyay soo baxay ayaa waxay xaqiijinayeen in Jose Mourinho uu kulan casho ah la qaatay Agaasimaha ciyaaraha kooxda Arsenal ee Raul Sanllehi isbuucan, si ay ugu wada hadlaan suurtogalnimada uu ku qaban karo shaqada tababarka ee Gunners.

Image result for Jose mourinho To Arsenal

Haddaba sida laga soo xigtay shabakada caanka ah “Sky Sports” ee dalka England Arsenal ayaa beenisay in kulan casho ah ay wada qaateen Raul Sanllehi iyo Jose Mourinho, ama inay wada xaajoot la yeesheen macalinka reer Portugal si uu macalin ugu noqdo kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London.

Yeelkeed, Arsenal ayaa la soo saxiixata Unai Emery sanadkii 2018, isaga oo kaga soo dhaqaaqay kooxda Paris St Germain, laakiin Gunners uu haatan hogaaminayo macalinka reer Spain ayaa waxay soo bandhigtay qaab ciyaareed liita, waxayna ku jiraan kaalinta shanaad ee dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League, iyaga oo leh 17 dhibcood, waxayna afar dhibcood u jiraan kaalinta afaraad.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here