Arsenal oo guuldarro xanuun badan kala soo kulantay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay King Power Stadium…+ SAWIRRO

0
11

(Leicester) 09 Nof 2019. Arsenal ayaa guuldaro xanuun badan kala soo kulantay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay King Power Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 12-aa ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-0 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Leicester City iyo Arsenal.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 68-aad kooxda Leicester City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Jamie Vardy, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Youri Tielemans.

Laakiin sheeko waxay xumaatay daqiiqadii 75-aad, kaddib markii ay Leicester City la timid goolkeeda 2-aad, waxaana 2-0 ka dhigay James Maddison, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jamie Vardy.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 ay guul kaga gaartay Leicester City kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd King Power Stadium.

SAWIRRO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here