Alex Morgan oo si weyn u taageertay in Cristiano Ronaldo uu kaalmaha hore kaga jiro musuqmaasuqa isboortiga adduunka

0
44

(USA) 25 Luulyo 2019. Xiddigta xulka qaranka gabdhaha ee dalka Mareykanka Alex Morgan ayaa soo dhigay bogeeda rasmiga ah baraha bulshada ee Twitter-ka, warbixin ku saabsan xiddiga kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ee ah inuusan wajihi doonin wax maxkamad ah ee ku saabsan eedeymaha kufsiga ah.

Alex Morgan ayaa dhinaca kale si xoogan u taageertay kaddib markii warbixintan lagu sheegay in weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu kaalmaha hore kaga jiro musuqmaasuqa guud ahaan ciyaaraha adduunka.

Warbixintan ayaa waxaa looga hadlay sheekada ku lug lahaanshaha Cristiano Ronaldo kiisas badan ee ka dhacay dalalka Mareykanka iyo Spain, ha ahaato eedeymaha kufsiga ama lunsiga lacagaha canshuurta ee laga doonayay inuu bixiyo, iyo sida uu u awooday inuu kaga baxsado dacwadahan oo dhan inay muujineyso sida uu ugu ciyaarayo isla markaana uu ka sareeyo sharciga.

Ronaldo ayaa awooday inuu ka badbaado dacwad ciqaabeed ka dhacday magaalada Las Vegas ee dalka USA, kaddib markii lagu waayay caddeyn xoogan ee ku aadan kufsiga Kathryn Mayorga dhacdo dhacday 2009.

Cristiano ayaa wuxuu sidoo kale ka bad baaday dacwaddii canshuur lunsiga ahayd ee dalka Spain, isagoo ka badbaaday xabsi sanado badan ah, kaddib markii lagu heshiiyay inuu bixiyo lacago aad u xoogan ee ganaax ah, si gabi ahaanba loo soo afjaro kiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here